Ragow kibirka waa lagu kufaa

                                      

                                             Ismaaciil Mire

Inkastuu kallaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo

Bad kalluun ku jira kay ku tahay amase koob shaaha

Kulligood addoomaha Rabbow qaybshay kibistiiye

Nin waliba wixii loo katibay waa la kulansiine

Ninna inaanu soo korodhsanayn kaa ha la ogaado

 

Kufri iyo Islaam loo colloow kaysihii hora'e

Kaakici wadaadkii jahaad laguna kaalmeeye

Kumanyaal lag wada duubcad buu keenay Beerdhiga'e

Waxse kadabkii go'ay markii uu kaday raggiisiiye

Kabaalkina wuxuu jabay kolkuu kariyey Reer Kheyre

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Anaa dunida keligey leh buu Koofil eersadaye

Kashiisaba ma gelin wiilal baa keybka kuu qabane

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Kaysaha adduun Ina Ammaan kama qarraacnayne

Ragba keeno geli buu is yidhi waad u korraysaaye

Isba kii arsaa'ilay ma hadin kamana yaabayne

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Ninkii koob nimco ah fuuqsada kadin irmaan maala

In karuurka uu qubo horey Kaafka ugu tiille

Kulligoodba Reer Hagar anaa kiin ahaa dilaye

Kamma' Sugulle waagii sidii kuray carruureede

Kasxumaa waddaye naagta waa kala fogaayeene

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Kuwuu Muxumud Waal raray hadduu saanta uga kaadsho

Kulcad uma dileenoo ciyoon koor ma geliyeene

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Afxakame karkabadii u aay iyo kulaylkiiye

Ka dambee Caluu yidhi intuu Kaaho guursadaye

Kii kalena kaal weyn u tamay karina waabaaye

Kalluun shebeg u yaal buu ahaa kicina sheyddaane

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Kelyo caano galeen baa ninkii kiciyey dheereeye

Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayay

Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye

Misna kala qadhaadhaa dhunkaal kulanki goobeede

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Ammuuraha ma kaadsado ninkay kado shidaysaaye

Kalaamkuu lahaa Ina Gallaydh kahay gadaalkiiye

Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye

Baallacad kelyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Lixda koose Reer Cali Geree kaw isaga siiyey

Kasiwaaye wuxu waa qabaal waana kabannaaye

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Nin kuwaa ka dhigan baan arkaa kadab u laabnayne

Karraysaha intuu buuxsaday oo kaman wan weyn yeeshay

Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye

Ka shib dhaha Islaamow naftii kii ladnaa gadaye