ICG oo taageertay qorshaha nabadda ee Muqdisho
Buluugleey May 22, 2005.
Hey’adda ka hortagga Xasaradaha Caalamka (International Crisis Group) ayaa taageertay qorshaha maleeshiyooyinka looga saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. He'yadda ayaa sheegtay in malleeshiyadii laga saaray caasimadda Muqdisho ay tahay tallaabo muhiim ah ee aasaas u ah ammaanka dalka Soomaaliya. Hey’adda ayaa ku timaantay qorshaha lagu nabadeynayo caasimada Muqdisho arrin loo baahan yahay in loo fidiyo dhaqaale iyo taageero caalami ah.
Mick Perdan oo ah khabiir ka tirsan Hey’adda ka hortagga Xasaradaha Caalamka ICG oo u warramayey Idaacadda Mareykanka (VOA) ayaa sheegay in aad loogu baahan yahay in qorshaha nabadda ka socta magaala madaxda Soomaaliya, Muqdisho horey loo sii wado, waxaana loo baahan yahay in lagu fidiyo dhaqaale ballaaran oo ay qorshahaasi ku hirgelikaro.
Hay’adda ka hortagga Xasaradaha Caalamka (ICG) ayaa horey uga digtay in ciidamo ka socda wadamada deriska la ah Soomaaliya la geeyo, iyadoo hay’addaasi sheegtay in haddii ciidamadaas Soomaaliya yimaadaan keeni karaan dagaal faraha lagu baaba’o ee sababa dhimsho aan qiyaas lahayn.
