Taliayaha ciidanka booliska Soomaliyeed oo la magacaabay
Buluugleey, March 31, 2005
Wasiirka amniga qaranka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Qanyare Afrax ayaa u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gaashaanle Sare Cabdi Cawaale Qeybdiid.
Wareegto uu soo saaray maanta Mudane Maxamed Qanyare Afrax ayaa ku xusneed magacaabista Gaashaanle Sare Cabdi Qeybdiid. Mudanaha u tilmaamay in Gaashaanle Cabdi Qaybdiid uu hawshaasi si rasmi ah u guto soona dhiso qaab-dhismeedkii uu yeelan lahaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo dikareetada ku xusaneed in umadda Soomaliyeed u baahantahay sugidda amniga iyo xasillonida dalka.
Wuxuu kaloo Mudane Qanyare uu magacaabay Madaxa Waaxda Socdaalka (Immigration) Col. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ah mudane u leh aqoon iyo khibrad dheeraad. Wuxuu Col. Gaafow ka madax ahaa waaxda socdaalka ee dawladdii burburtay.
Amina Nur
Muqdisho