April 10, 2005
Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa aad u deggan markii uuu dagaal ba'an ku dhexmaray malleshiyooyinka ay kala hoggamiyaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo kuwa Col.Shaati-guduud.
Magaalada ayaa haatan xasilloon, kadib markii ay shalay dagaal ba'an iskaga horyimaadeen Malleeshiyada Maxamed Ibrahim Xaabsde iyo kuwa uu horkacayo Col. Shaati Guduud. Dadka deggan magaalada Baydhabo ayaa si caadi ah uga soo baxay guryahooda, kadib markii ay suuqyada ganacsiga dib u furmay.
Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Ibaraahim Xaabsade magaalada amaankeeda uu gacanta ku hayo. Magaalada waxaa dibedda looga saaray malleshiyada uu horkacayo Col. Shaatiguduud.
Cosbitalka magaalada Baydhabo ayaa la keenay dhawacyo badan ee badankooda yihiin dad rayid ah. Warku wuxuu inta kudarayaan in cisbitaalka aynan oollin dawooyin ku filan dadka dhaawaca ah.
Magaalada Baydhabo ayaa in muda ahba ka jirtay collaad soo noqnoqata ee u dhaxeyso malleshiyooyinka kala taabacsan Maxamed Ibrahim Xaabsade oo si toos au uga soo horjeeda faragelinta Itopiya, iyo malleshiyooyinka Col. Shaati-guduud oo isagu gacan saar la leh xukuumadda Itopiya.
buluugleey.com