Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa maanta soo gaaray magaalada Xudur.
Buluugleey.com 03/30/05.
Waxaa maanta magaalada Xudur soo gaaray saraakiil Itoobiyaan ah si ay ula kulmaan xildhibaano ka tirsan Dawladda Federalaalka ee Soomaaliya. Xildibaanada iyo saraakiisha oo yeeshay shir albaada u xiran baa la filayaa inay arrimaha dhoor ka wada hadlaan gaarahaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dagaalada ka soo cusboonaaday Gobollada Bay iyo Bakool. Saraakiisha Itobiyaanka ah waxaa iyaguna la filayaa inay la saftaan malleshiyada Col. Shaati-guduud oo dhawaantaan xoog lagaga soo saaray Magaalada Baydhabo markii ay ka gacan sareeyayeen ciidanka Maxamed I. Xaabsade.
Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ee dhawaantan lagu soo dhisay dalka Kenya baa rajadii laga qabay inay dib-u-heshinsiin dhex-dhigto umadda Soomaaliyeed ee colaadaha 14ka sanadood aafeey baa aad u yar.Cali Shiino, Xudur