Ciidamo Itoobiyaan ah ee yimid Buuhoodle
buluugleey, 4/3/2005
Ciidamo Itoobiyaan ah ee aad u hubeysan ayna wehliyaan gaadiidka dagaalka ayaa soo degay cirifka Buuhoodle. Joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ayaa baqdin geliyay dadka deggan gobolada Soomaliya. Waxaynan dadka degan gobolkaas aynan jeclesanin ciidamada ku sugan goobahaas.
Itoobiya warka ka imaanaya ayaa sheegaya in ujeedadu ciidamadu ay tahay sidii ay u sugi lahaayeen nabadgelyada xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Warar kale ayaa sheegayo in imaatinka ciidamadaasi la xiriirto booqashada uu ku imaanayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Dahir Afqurac. Wararakale oo aanu ka soo xeganay shakhsiyaad lagu kalsoonyahay ayaa sheegayo in wasiiro ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ay la kulmayaan madax ka tirsan dawladda Itoobiya oo halkaas dhawaantaan la filayo soo gaaraan.
Ciidamadaan ayaa waxay ku soo beegmeen xilli ay mudanayaasha Dawladda Federalka Soomaliyeed ay go'aansadeen in ciidama safka hore ayka mid noqonin cidamada nabad sugidda ee la doonayo in ay yimaadaan dalka Soomaaliya.