Korneyl Cabdi Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Gothernburg ee dalka Sweden, kadib markii lagu waayey wax denbi ah
Buluugleey, October 29, 2005
Korneyl Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta Garoonka Gothenburg shir jaraa'id oo ay goobjoog ka ahaayeen idaacadaha, wargeysyada caalamka ayaa sheegey in waxyabihii been-abuurka ahaa ee lagu soo eedeeyey aynan waxba ka jirin. Korneylka oo ka muuqatey degenaasho iyo isku kalsoonaan ayaa u sheegay weriyeyaalka idaacadaha caalamka in ay edeyntaasi uu ka danbeeyey Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed.
Korneyl Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo mudo 4 maalmood ah lagu hayey xarunta booliska Sweden ayaa siideyntiisa timid ka dib markii maxkamad ku taala magaalada Gthernnburg ku waaysey haba yaraatee wax denbi ah uu korneyku geystay.
Korneyl Cabdi Cawaale Qeybdiid oo ah taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa afartii cisho ay inaga tegay waxaa soo ifbaxday taagerada ballaaran uu korneylku ku leeyahay dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Waxaa dunada oo dhami u muuqatay in Korneyl Cawaale yahay siyaasi weyn ee sucad weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed ahna siyaasi miisaan culus. Waxaa naxdin ku noqotay markii uu korneylka soo hor isytaagey idaacadaha la'iska arko ee caalamka isagoo aan wax dhibaato ah jirkiisa ka muuqan. Waxay kaloo shir jaraa'idkaas ku noqdey dhabarjab iyo naxdin Col. Cabdulalhi Yusuf oo aan weli ka tanasulin shirqoolka, dilka iyo xasilooni darada uu 30kii sanadood ka wadey gudaha dalka Soomaaliya.
Arintani waxay kaloo banaanka soo dhigtey fadeexadii ugu weyneyd ee uu Col Cabdullahi kala kulmo siyaasada Soomaaliya intii loo doortay madaxtinimada.
