Cisbitaalka Degamadda Afgooye oo dib u howl galay muddo 10 sano ah ka dib
Buluugleey, August 19, 2005
Dadka degmadda Afgooye ayaa dib u helay kaain weyn oo xagga Noloshooda ah mudo 10 sano ah ka dib, markii uu dib u howl galay Cisbitaalkii degmadda Afgooye oo lagu daweeyay bukaanadii ugu horeeyay ka dib dayactir isbitalkaasi lagu sameeyay.
Iyada oo ay weli ku socto qeybo ka mid ah isbitalka Degmada Afgooye howlaha lagu dayactirayo ayaa waxaa bilowday haddana howlihii adeegyadda caafimaad ee isbitalkaasi, iyadoo ilaa 7 ruux oo dhaawacooda lagu sheegay rasaas durbadiiba la soo jiifiyay isbitalka sida uu u xaqiijiyay shabakadda wararka Soomaalida ee Buluugleey agaasimaha isbitalkaasi Dr, Sheekh Abuukar Sheekh Axmed Maskax.
Dib u furida isbitalka weyn ee degmada Afgooye ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan degmooyinka Ow-dhegle iyo Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose.
Dib u furista Cisbitaalka Degmadda Afgooye ayaa sidoo waxay u noqon kartaa war wanaagsan howlaha nabadeynta ee ay Muqdishu ka wadaan xubno ka tirsan labadda Gole ee DFS ee Muqdishu jooga, waayo deegaanka Laanta Buur oo aan sidaasi ugu fogeyn degmadda Afgooye ayaa waxaa ku xareysan maleeshiyooyinka laga saaray Muqdishu ee mustaqbalka la doonayo in ay wax ka qabtaan amaanka Muqdishu iyada oo imminka adeeg caafimaad ay ka heli karaan Cisbitaalka Afgooye ee dib u howl galay.
Isbitalka Degmada Afgooye oo xirnaa in ka badan 10 sano ayaa dib u furidiisa waxa iska kaashaday dadka degaanka iyo aqoonyahano ku dhaqan degmada Afgooye.
Maxamed Amiin
Muqdisho