Dagaal ba'an ee ka dhacay Ceelwaaq
Buluugleey April10, 2005
Dagaalkaan aad u ba'an ee ka dhacay shalay degmada Ceelwaaq ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 18 qof oo isugu jirey maleeshiyadii halkaas dagaalameysay iyo dad rayid ah oo ay haleeshay risaastii labada dhinac oo iska soo horjeeda ay isweydaarsanayeen.
Wuxuu warku intaas ku darayaa in dagaalkaan oo la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwanku ay ku dhaawacmeen in kabadan 20 ruux.
Dagaalku waxaa lagu soo warramayaa in uu
socday mudo saacado ah ayaa ugu dambeyntii gacan ku heynta magaladaasi in ay la wareegeen mid ka mid ah labadii maleeshiyo beleed ee ku dirirayay magaaladaasi.
Soomaaliya oo ilaa hadda aan lahayn xukuumad dhexe ee sugta amaanka in kabadan 14 sanood.