Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu deeqay dhaqaale 10 milyan ee Euro ah.
Buluugleey November 18, 2005
Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu deeqay dhaqaale dhan 10 milyan ee Euro ah. Waxaana xafisika Midowga Yurub ee magaalada Nairobi cadeeyey
Midowga Yurub ayaa ugu deeqay dhaqaale 10 milyan ee Euro ah.
Buluugleey November 18, 2005
Midowga Yurub ayaa ugu deeqay dhaqaale dhan 10 milyan ee Euro ah. Waxaana xafiisika Midowga Yurub ee magaalada Nairobi cadeeyey lacagtaasi in Soomaaliya loo marin doono hay'adihii horey uga shaqeyn jirey oo wadamada Yurub sida tooska ah uga heli jirey taakuleyn dhaqaale. Lacagtaas ayaa loo isticmaali doonaa xaaladaha bani'aadnimo ee ka jira gudaha wadanka Soomaaliya.
Wararkan ka soo yeerey xafiisika Midowga Yurub ee magaalada Nairobi ayaa waxay meesha ka saareysaa shakiga weyn ee ka dhex abuurmay qeybaha ka tirsan dowlada KMG, kadib markii ay soo baxeen hadallo sheegayo in Professor Cali Maxamed Geedi ay gacanta u geli doonto dhaqaalhaas deeqda ah. Professor Geedi ayaa hawlihii wasaardaha dibu-dhac uga yimid, kadib markii uu ballanqaadyo badan siiyey wasiirada hoosyimaada eeku sugan magaalada Jowhar oo hawlihii uu u magacaabay fulintooda aan waxba ka soo naasa cadeyn.
Dowlada KMG ayaa ku kala qeybsan xagga fikirka waxayna u muuqataa inay lacagtan deeqda ah isku soo dhaweyn doonto labada garab ee dowlada KMG. Waxaana laga yaabaa in uu heshiis aan sidaas u sii dheereen dhexmaro labada garab, waa haddii dhaqaalahaas baaxada leh uu gacanta ku dhigo Professor Geedi si uu u soo jiito xildhibaanada gadoodsan ee dhaqaale la'aan awgeed aynan waxba u kala socon la'yihiin. Warar aan lagu kalsoonyahay ayaa durbadiiba soo baxaya oo sheegaya in qaar ka tirsan goalaha wasaaradaha dowlada KMG ee Muqdisho ku sugan inay bilaabeen shirar gooni-gooni ah oo ujeedada ka danbeyso ay tahay inaysan marnaba seegin deeqdaas.
Dhaqaalahan ayaa u baahan in lagu horumariyo dalka Soomaaliya oo in mudaba lahayn dowlad dhexe ee maamusha adeegyada lagama maarmaanka ah ee bulshada u baahantahay.

|
|
lacagtaasi in Soomaaliya loo marin doono hay'adihii horey uga shaqeyn jirey oo waddamada Yurub sida tooska ah uga heli jirey taakuleyn dhaqaale. Lacagtaas ayaa loo isticmaali doonaa xaaladaha bani'aadnimo ee ka jira gudaha wadanka Soomaaliya.
Wararkan ka soo yeerey xafisika Midowga Yurub ee magaalada Nairobi ayaa waxa ay meesha ka saareysaa shaki weyn ee ka abuurmay kadib markii ay soo baxeen hadallo sheegayo in Professor Cali Maxamed Geedi ay gacanta u geli doonto dhaqaalhass deeqda ah. Professor Geedi ayaa hawlihii wasaardaha dibu-dhac ku yimid, kadib markii uu ballanqaadyo badan siiyey wasiirada ku sugan magaalada Jowhar oo hawlihii loo magacaabay fulintooda ciriiri waxba ka soo naasa cadeyn.
Dowlada KUMG ayaa ku kala qeybsan xagga fikirka waxayna u muuqataa inay lacagtan deeqda ah isku soo dhaweyneyso labada garab ee dowlada KMG. Waxaana laga yaabaa In uu heshiis aan sidaas u sii dheereen dhexmaro labada garab, waa haddii dhaqaalahaas baaxada leh uu u gacanta ku dhigo Professor si uu u soo jiito xildhibaanada gadoodsan ee dhaqaale la'aan waxba u kala socon la'. Warar aan lagu kalsoonyahay ayaa durbadiiba soo baxaya oo sheegaya qaar ka tirsan goalaha wasaaradaha dowlada KMG ee ku Muqdisho in ay bilaabeen shirar gooni-gooni ah oo ujeedada ka danbeyso ay tahay inay marnaba seegin dhaqaalahaas Soomaaliya loogu deeqay.
Hadabo dhaqaalahan ayaa u baahan in lagu horumariyo dalka Soomaaliya oo in mudaba lahayn dowlad dhexe ee maamusha adeegyada lagama maarmaanka ah ee bulshada u baahantahay.
