Dowladda Kenya oo warqad qoraal ah u gudbisay Col Cabdullahi Yusuf iyo Professor Geedi
Buluugleey, May 26, 2005
Dowladda Kenya ayaa markale warqad qoraal ah u gudbisay Col Cabdullahi Yusuf iyo Proffessor Geedi oo kaga dalbaneyso inay xubnaha dowladda KMG ee weli ku sugan dalka Kenya ay si dhaqsi ah ugu guuraan dalka Soomaaliya.
Warkaan ayaa sheegaya in afhayeenka dowladda Kenya yiri, “ Wax faa’iido ah uguma jirto in dowladda KMG sii joogto magaalad Nayroobi, Kenya, waayo in badan ee xildhibaanada dowladda KMG ayaa ku sugan magaalada Muqdisho. Col. Cabdullahi oo ka caga jjiidaya inuu tago Muqdisho ayaa warqadan xusuusineysaa inuu ka waantoobo nolosha dibad- joogga ah.
Dowladda Kenya oo in muddaba marti u ahaayeen dhammaan hogaamiyaasha Soomaalida si ay u soo afjaraan colaad iyo dagaallada ka oogan dalka, ayna horseed u noqdaan sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa xassillooni. waxaa haatan muuqata in waqtigan yahay kii ugu haboonaa in dowladda KMG u goorto Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.
Warqadani oo ah mid dowladda Kenya ay ku soo afjareyso martiqaadkii ay u fidisay hoggaamiyeyaalka Soomaaliyeed, waxayna dhiirrigelin weyn u tahay xildhibaanada labada gole oo ku hawllan qorshaha nabadeynta magaalada Muqdisho.
