Weriyad ka tirsan Idaacadda Horn Afrik ee la dilay
Buluugleey Juun 6, 2005
Alle ha u naxariistee Wariye Duniyo Muxudiin Nuur
oo ka mid aheyd Shaqaalaha Idaacada Horn Afrik ayaa dabley hubeysan ku diley meel u dhow degmada Afgooye. Dilkan naxdinta leh ayaa dhacay waqti ay weriyaha ku sii jeeday howlaheeda la xiriira saxaafadda. Wariye Duniyo Muxudiin ayaa caan ku ahayd soo saarida barnaamijyada ka hadlay Arimaha Bulshadda oo ay ka baahin jirtay Idaacadda Horn Afrik iyo Capital Voice oo mataano la ah idaacadda Horn Afrik. Warka aya shegaya wiil dahllinyaro ah ayaa rasaas ku furay weriyaha, isagoo la sheegayo inuu ka mid ahaa darawaliin shaqo joojin ka sameeynayey wadada isku xirta Muqdisho ilaa Afgooye, kuwaasi oo gaadiidkooda wadada ku gooyay.
Soomaaliya oo ilaa haatan aan dowlad sugta amaanka ka jirin ayaa waxaa ku soo badanaya dilka loo geysanayo suxafiyiinyta ku sugan dalka Soomaaliya. Dhibkani wuxuu qeyb weyn ka yahay aqoon la’aanta haysato dhallinyarada ku soo barbaaray dilka iyo dhaca lana da'da ah xilliga qaran jabka Soomaaliya.
