Koofi Annan oo u soo magacaabay ergey gaar ah arrimaha Soomaaliya
Buluugleey May 28, 2005
François Lonseny Fall oo ah ergeyga cusub ee ka socda xoghaya guud Koofi Annan ayaa loo magacaabay xafiiska UN-ka ee ku yaal Nairobi, Kenya. Mudane Fall oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa loo soo diray inuu arrimaha siyaasadda Somalida ee murugsan inuu xal u helo hoos u dhaca ku yimid dib-u-heshiisiinta Soomaliya. Taasi waxay ka danbeysay kadib markii ay siyaasada Soomalida samayn weysay wax hor u kac ah loogana cabsi qabo inay burburto dhismihii dowladii loo fadhiyay muddada labada sanadood.
Mudane Fall wuxuu dhawaan billabyaa qorshe cusub oo dib la iskugu soo dhaweynayo xubnaha dowladda cusub ee dhawaan ku kala tegay Nairobi, Kenya. Wuxuuna damacsan yahay ergeygaas ka socdada UN-ka inuu wada tashi cusub la sameeyo dhamaan hoggaamiyayaasha ku lug leh arrimaha nabadeynta Soomaalida.
Ergeygaas magacaabistiisa waxaa ka danbeeyay codsi ay soo jeediyeen wakiilada beesha caalamka oo ku tilmaamay arrinta Soomaaliya mid faraha ka sii baxaysa. Waxayna arkeen in xeerarkii iyo axdi qarameedkii aan sidii loogu tala galay loo fulin. Taas oo loo maleynayo in koox ku wareegsan madaxa sare ee dowladdii cusbeed ee lagu soo magacaabay Kenya ay awoodii siyasadeed ku soo koobeen gacan keliya, iyagoo hareer maray ujeedadii lagu saleeyay dib u heshiisiinta iyo awood qeybsiga Soomaalida. Waxaa cadaatay in wasiirka Amniga uu magacaabay taliyaha ciidanka booliska, kadibna inta la hareer maray isla jagadaas loo magacaabay taliye cusub. Sidoo kale waxaa Golaha Barlamaanka ay isku raaceen in waddamada safka hore aan laga soo qeyb gelin cidamada shisheeyaha ee la keenayo Soomaliya, haddana waxaa muuqata in madaxda sare ay arrintaas dhinac martay si iyaga u gaar ahna ay ugu soo dareen dowladda Itoobiya oo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay ka soo horjeedaan imaasha dalka Soomaaliya.
