Fransawal Foul, wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaruumaha Midoobay ayaa ku soo fool leh dalka Soomaaliya
Buluugleey 31, 2005
Mudane François Fall, wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaruumaha Midoobay ayaa dhawaantan ku soo fool leh dalka Soomaaliya. Ujeeddada safarka Mudane François Fall ayaa ah dhex-dhexaadinta xubanaha dowlada Ku Meel Gaarka ah ee is ku khilaafsan xagga fikirka.
Wakiilka Xoghaya Guud Mudane François Fall ayaa tibaaxay inuu ku dadaalayo in kulankaasi ka soo baxo heshiis loo dhanyahay ee si wada jir ah u saxiixi doonaan qeybaha sare ee dowlada KMG iyagoo ay goob joog Ka ahaan doonaan xubnaha Beesha Caalmka ee daneeya arriimaha Soomaaliya.
Dadaalkan uu wado Mudane François Fall ayaa ah mid rajo weyn gelinaya shacabka Soomaaliyeed ee sida aadka ah ugu baahan in Soomaaliya ka jirto dowlad mideysan ee xasilisa nidaam darrada dalka ka jirta .
