Ciidamo Itoobiyaan oo ay wehliyaan maleeshiyada Puntland ayaa soo dhoobtay xuduuda Soomaaliya
Buluugleey Jun 16, 2005
Ciidamo ku hubeysan gawaarida dagaalka ee looyaqaan Tekniko oo iskugu jira Itoobiyaan iyo maleeshiyo ka timid gobolka Puntland ayaa soo dhoobtay degmada Feerfeer oo Beledweyne u jirto 45 KM. Ciidankan huwanta ah ayaa la socda gawaari kuwa xamuulka ah oo loo maleynayo inay ciidanka u sidaan rasaas, dawo iyo raashin.
Warkaan oo aan ka soo xiganay idaacadda HornAfrik ayaa sheegaya in ciidamadani isku dhafka ah marka ay soo gaaraan ciidamo lagu wado in laga soo gudbiyo gobolka Godey, ay u soo tallaabi doonaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Sh/Dhexe.
Dhawaanahan waxaa dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayaa degaanka ku teedsan xadka ay Itoobiya la wadaagto dalka Soomaaliya, waxaana dhacda in ciidamada Itoobiya ay soo galaan gudaha dalaka Soomaaliya halkaasoo ay ka geystaan dil iyo dhac. Cidankaan ay isku bahaysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa malleeshiyada Puntaland ayaa la filayaa inay sii huriso colaadaha ka jira dalka Somaliya.
