Ciidamada Itoobiyaanka ay jirdil u geysteen dadka la socda gaadiidbuluugleey April, 8, 2005Gaadiid ay iska leeyihiin dad soomaali ah oo in muddo ah ba lagu haystay guudaha Itoobiya ayaa iminka lagu soo waramayaa in cadaadis dheeraad ah ay saareen ciidamada Itoobiya gaadiidkaasoo yaala Degmada Baareey ee kilinka shanaad ee is maamulka soomaalida. Gaadiidkan ayey ciidamada taayarada ka furfureen shaagagii ama taayaradii kadib markii ay soo baxsadeen ilaa 9 gaari oo xamuul ah oo qayb ka ahaa gaadiidkan . Lama garanayo sabata dhabta ah ee loo haysto gaadiidkan muddo hal bil ku dhaw iyadoo darawaladii wadayna ay ka cabanayaan dhibaatooyin ku heysata halkaasi iyagoo sheegay in ay ka go'day sahaydii ay wateen iyo Itoobiyaanka oo diiday lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd. Warar xoog ogaal ah ayaa sheegaya in sarkaalka ugu sareeya ee ciidamada Itoobiyaanka ee xayiray gaadiikaasi uu soo saaray shalay go'aan ah in gaadiidka loo kala sooco Muqdisho iyo meelaha kale ee laga leeyahay, hasayeeshee aan sinaba lagu sii deyn doonin kuwa ka yimid Muqdisho, lana sii daayo gaadiidka kale ee laga lee yahay gobolada kale ee Soomaaliya. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanka ay jirdil u geystaan dadka la socda gaadiidkaasi gaar ahaan kuwa darawaliinta ah inkastoo warkaasi aysan jirin cid madax banana oo xaqiijin karta. Todobaadkii hore ayey ahayd markii sagaal baabuur oo soo baxsady ay soo gaareen magaalada Beledweyne, wallow baxsashada gaadiidkan qaarkood la sheegay in lagu soo daayey musuqmaasuq iyo laaluush lakala qaatay.Cabdi Maxamed Ismacil ( Cabdi-Cuud)
|