Sugidda amaanka magaala-madaxda
Buluugleey April 13, 2005
Generaal Galaal oo soo dhaweeyay balanqaadyadii magaalada Muqdisho ee ahaa in malleeshida laga saaro lana sugo nabadda Muqdisho.
Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa taageeray goa'aankii ka koobnaa 29ka qodob ee masuuliyiinta labada gole ee dowladda KMG ka tirsan ee dhawaantaan wadajir ku go'aansaday in magaala madaxda Muqdisho laga saaro malleshiyada lana sugo amaanka loona sameeyo maamul gobolka Banaadir. Jeneraal Galaal oo wareysi la yeelatay shabakadda Radio Shabeele aya sheegay in u soo dhaweynayo ballanqaadyadii ahaa in la dhaqangeliyo malleshiyada wuxuu kaloo ku daray Jerneraalku in ciidamada Milleterigii hore sida ay diyaar u yihiin inay Malleeshiyada siiyaan tababar ballaran. Ugu danbeeyntii wuxuu Jeneraalku xaqiijiyay in malleshiyada la siinayo mushaar lana dejinayo xeryoooyin ka baxsan magaalada Muqdisho.
Go'aamada ay labada gole ay wadajir ku goaansadeen ayaa la hubaa inaynan jirin cid diidan in la soo celiyo ammaanka magaalamadaxda
