Kulan Xasan
Cirkoo guuri ciiddoo god galin, dhagaxyadoo goohin
Geeriyoon wax dilin oo ninkii, go'a u ooyaysa
Qorraxdoo xanuun laga guboo, garab ka taahaysa
Biyahoo harraad gubahayoo, gal u arooraaya
Dumarkoo gar naqin iyo raggoo, guudka feerahaya
Gud iyo yicib galool iyo maraa, geedo tiro gaaray
Oon samada guudkeeda jirin, ciiddana aan gaarin
Nin cibaado gaariyo ninkii, gabay ahow sheega
Haddii kale anaa garanayee, soo gadaal celiya ◊