Taliyaha Booliska ee maamulka Col. Cabdullahi Yusuf oo loo diidey inuu Hargeysa Soo galo
Buluugleey 15 October, 2005
Taliyaha Laanta Socdaalka ee Madaarka Hargeysa Mr. Xasan Khayre, ayaa sheegay inay u diideen inuu Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Col. Cabdillaahi Yuusuf Mr. Cali Maxamed Xasan, inuu ka soo dego diyaarad uu la socday oo ka soo kicitintay Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.
Warkaan oo aanu ka soo xiganay Jamhuuriya aayaa sheegaya in Mr. Cali Maxamed Xasan uu la socday dayuurad u kiraysan Hay’adaha Qaramada Midoobay ujeedada Mr. Cali Maxamed Xasan waxay ahayd inuu ku hoydo magaalada Harheysa, kadibna uga sii gudbo Magaalada Boosaaso, haseyeeshee loo diiday inuu magaalada Hargeysa fooda soo geliyo.
labada maamul Soomaliland iyo maamulka Puntland ayaa in mudaba isku haya degaanada ay ka midka yihiin degmada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool, isla markaasna xudunta u ah degaamada ay ka jirto xiisadaha siyaasadeed, sababayna dagaallo ba'an oo ay labada ciidan iskaga horyimaadeen.
