ICG oo aga digtay dowladaha IGAD in aynan dalka Soomaaliya u horseedin ammaan darro iyo colaado hor leh
Buluugleey December 14, 2005
Hay'adda khilaafaadka Caalamiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan ICG ayaa hadal qoraal ah ku sheegtay in dadaalada urur goboleedka IGAD ee lagu doonayo in xayiraada hubka lagaga qaado Soomaaliya si ay isku hubeyso dowladda Dowlada KMG ay yihiin wax sii kordhinaya xasilooni darida ka jirta wadanka Soomaliya abuurayana colaado hor leh ee mar kale ka qarxa dalk a Soomaaliya.
Warqad uu soo direy madaxa xalinta khilaafaadka caalamiga Mr.Great Ivans oo si toos ah ugu socotey madaxda urur goboleedka Geeska Afrika ee IGAD ayaa waxa uu kaga hadlay war murtiyeedkii ay soo saareen golaha wasiirada IGAD November 29 kii ee sanadkaan kulankii ay ku yeesheen magaalada Jowhar isagoo ugu baaqay hogaamiyeyaasha gobolka IGAD in ay dib u eegaan dadaaladooda ay ku doonayaan in xayiraadda dhinaca hubka laga qaado Soomaliya.
Waxaa horey Gudiga la socodka Xayiraada Hubka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay horey uga digtey dawlada Yaman in ay ixtiraanto Go'aanka golaha Amaanka ee xayiraada hubka ee lagu soo rogay dalka Soomaaliya, taas oo ka danbeysay kadib markii dowlada KMG eegarabka Jowhar oo uu hogaamiyo Col. Cabdullaahi Yusuf kala yimid shixnado hub ah wadanka Yaman, taasina waxay jebisay go’aankii 7334 ee qaramada midoobay ee xayiraada hubka.
Waxaa kale oo go’aankaan Hay'adda khilaafaadka Caalamiga taabanyaa dowlada Itoobiya oo marar badan ku xadgudubtey go’aanka xayiraada hubka ee qaramada midoobey ee ku soo rogtay dalka Soomaaliya in aanan wax hub ah dalka la soo gelinin. Itoobiya ayaa ayaa ah waddan deris la ah Soomaaliya isla markaana ah wadanka sida tooska u farageliya umuuraha dalka Soomaaliya iyada oo xukuumada Itoobiya ayan marnaba dhowrin cunaqabateynta hubka ee ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya sanadkii 1992-kii ilaa hadana waxaa jirta in hubka la geeyo Soomaaliya, lagana ganacsado.taas waxay u muuqataa in Itoobiya aynan marnaba rebin Soomaaliya ka dhalato dowlad xooggan ee xasilisa amaankeeda.
