Kulan lagu xallinayo khilaafka u dhaxeeya labada gole ee kala jooga Muqdisho iyo Jowhar
Buluugleey July 7, 2005
Dadaal ballaaran ee lagu dhameynayo khilaafka u dhaxeeya masu’uuliyiinta labada gole ee ka tirsan dowlada KMG ayaa maanta ka bilowday magaala madaxda Muqdisho.
Guddi ka socda labada dhinac ee ka tirsan dowlada KMG ayaa shirkaas ku falanqeeyay arrimo la xariiro waxyaabaha keenay inay labada garab ee dowlada KMG ku kala guuraan iyo sidii loogu heli lahaa xal waara. Shirkaas ayaa in mudo saacodo ah ka socday qolka shirarka ee hotel Ramadan wuxuu ku bilowday jawi wanaagsan.
Kulankaas oo ay ka soo qeybgaleen 10 xibnood ayaa horey loogu xilsaaray dhameynta khilaafka u dhaxeeya labada garab ee dowlada KMG ee ku kala duwan xagga fikirka kalana jooga Muqdisho iyo Jowhar. Xubnahaas ka wada dhex-dhexaadinta ayaa la rajeynayaa inay soo afjaraan khilaafka raagay ee kala geeyay xubnaha dowlada ee loogana cabsi qabo in ay dowladu bur-burto.
Kulankaas ayaa ku soo beegmay xilli uu Col.Cabdullahi Yusuf la filayo in uu socdaal dhulka ah ugu soo amba boxo magaalada Jowhar isagoo ay wehliyaan ciidan ka soo raacay gobolka waqooyi bari.
