Labda Garab ee dowlada KMG eek u kala sugan Muqdisho iyo Jowhar oo qarka u saran inay ku dagaalamaan deeq lacageed ee Midowga Yurub ugu yaboohay Somaliya
Buluugleey November 20, 2005
10 mililyan ee Midowga Yurub ugu deeqday Soomaaliya oo loogu talagalay in maamul loogu sameeyo gobollada dalka ayaa waxay keentay in labada dhinac ee siyaasada Soomaaliya isku heysta ayaa xal u arkaan inay lacagtaasi isku afgartaan intii loo wareejin lahaa hey’adaha samafalka caalamiga ee ka hawlgala Soomaaliya.
Go’aanka ka soo baxay kooxda Muqdisho oo ah inay shuruud la’aan uga go’antahay in si toos ah ula kulmaan kooxda Jowhar ku sugan. Hadalkaas ka soo yeeray kooxda Muqdisho ayaa ah mid aan horey looga baran, lagana sugeyn, waxayna dad badan isn weydiinayo sababta soo dedejisay tanaasulkooda. Balse, kooxda Muqdisho ayaa hadalkooda waxay ku dareen in ay agabkooda dagaal u soo qaadanayaan diyaarna u yihiin inay yimaadaan Jowhar.
Hadii ay dhacdo in labada kooxood is hor fariistaan oo ay isku afgaran waayaan qeybsiga lagacahaa deeqda ah oo ay deeq bixiyiyaashu shardi uga dhigeen dhameynta khilaafaadka labada kooxood dhexyaala, waxaa la saadaalinayaa in labada kooxood ka dhaxdhicidootno dagaal ka qarxa Jowhar oo keeni kara burbur xooggan.taas oo salka ku haysa danta Itoobiya oo in badan ka shaqeyneysay sidii labadaas kooxdood dagaal uga dhex qarxi lahaa.
Shicibka Soomaaliyeed ee nabada jecel ayaa waxay xal u arkaan in deeq-bixiyiyaashu aysan lacagaha deeqdaa sabab u noqon colaad hor leh ee ka hurta Jowhar. Sidaas daraadeed, ayey ku haboon tahay in wixii deeq ah ay maamulaan hey’adaha samafalka ee ka jira Soomaaliya inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed ee maamulkeeda la is ku raacsanyahay.
