Maalinta Nabada Adduunka ayaa si weyn looga xusay Gobolka Banaadir

Buluugleey, September 21, 2005
 

Ururrada bulshada ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa si weyn u qadariyey munasabada maalinta Nabada Aduunka. Munaasabadaas ayaa ahayd mid qiimo gaar u leh dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

Maanta ayaa waxaa iskugu soo baxay dadweyne aad u fara badan xarumaha saldhiga u ah ururada bulshada, waxaana halkaasi laga jeediyey faarriimo nabadeed ay ugu baaqeen masuu’liyiinta dowlada KMG, si ay uga waantoobaan wax dagaal ah inuu mar kale dalka Soomaaliya ka dhaco. Waxay kaloo madaxda urururada bulshada ugu baaqeen in Col. Cabdullahi Yusuf ka wantoobo inuu dalka ku soo hubeeyo ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasoo nacab u ah dalka iyo dadkeynaba. Waxay madaxda Ururada Bulshada ugu baaqeen in hoggamiyayaasha hubeysan ay iyaguna iskugu yimaadaan qorshe mideysan oo  saldhig u ah nabad iyo xasilooni buuxda dalkeynana gaarsiin garta horumar iyo barwaaqo.

Hadabo, umada Soomaaliyeed ayaa maalintan Nabada Aduunka si niyad ah Ilaah kaga baryayaan in  dalkeynu uu noqodo waddan nabdoon, dadkuna ka badbaado dagaalka iyo darxumada ay 15 sanadood ku soo jireen.

 

 
  


 HOME