Wasiirka Ganacsiga ee Dawladda FKMG ah Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta shir jaraa'id qabtay
buluugleey.com 04/05/2005
Wasiirka Ganacsiga ee Dawladda FKMG ah Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay sidii loo hagaajin lahaa mad-madowga soo kala dhexgalay dawladda FKG. Hase yeeshee wuxuu ku adkeestay inuu ka soo horjeedo in dalka la keeno ciidamo ka socda dalka Itoobiya.
Muuse Suudi ayaa waxa uu sheegay inaysan marnaba haboonayn in laga warwareego inay dawladdu ka hawlgasho Muqdisho caasumadda Soomaliya iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo xaaladda ammaan darro darteed. Wuxuuna Wasiirka Ganacsiga ee Dawladda FKMG tilmaamay inay markasta ku dedaali doonaan sidii loo sugi lahaa ammaanka magaala madaxda Muqdisho, islamarkaasna dawladda FKMG toos ah ugu guurto. Wasiirka Muuse Yalaxow wuxuu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la dhawro Axdiga dawladda FKMG.
Wasiirku Muuse Yaaxow wuxuu kaloo ka hadlay kharashka faraha badan ee ku baxo FKMG inta ay joogto waddanka Kenya, kaasoo uu ku tilmaamay inay tahay 500 oo kun oo doolar bilkasta, iyadoo madaxda sar-sare ee Dawladduna ku baxdo kharash aad u ballaaran.
Ugudanbeyntii Wasiirka Ganacsiga ee Dawladda FKMG ah Muuse Suudi Yalaxow wuxuu sheegay inay lagamamaarmaan tahay in si degdeg ah dalkii loogu noqda.