Weriye Cabdalla Nuuradiin ay kooxo hubeysan ee heeybtooda la aqoonin dhaawaceen
Buluugleey, May 25, 2005
Wariye Cabdalla Nuuradiin
Axmed ayaa kooxo hubeysan oo aan heynbtooda la aqoonin ku dhaawaceen isagoo fadhiya dukaan uu ku leeyahay magaalada Muqdisho hortiisa. Wuxuu warku sheegayaa in kooxadaas falka geysatay ku hubeysanaayeen bistoolado waxayna weriyaha la haleeleen 3 xabadood oo uga dhacday lugta, feeraha iyo gacanta. Waxaana isla markiiba wariyaha lagula cararay cusbitalka Madiina halkaasoo qalliin degdeg ah lagu sameeyay.
Weriye Cabdalla Nuuraddiin wuxuu ahaa weriye can ah oo si weyn uga dhexmuuqday weriyayaasha Raadio Muqdisho iyo TV-ga Soomaaliya inta ay dowladdii horey jirtay. Weriye Nuraddiin waxaa si weyn loogu yaqaanaa kaalinta weyn uu ka qaato curinta gabyada iyo heesaha. Waxaana ka mid ah gabaygii dheeraa oo halku dheggiisu ahaa “Nimuu caashaq dhiibay baan ahay oo ciillan waligiiye”. Nuuradiin wuxuu curiyay heeso fara badan, waxaana ka mid ah heesaha uu curiyay heesta caanka ah "Dusha hayga xaganine, la dabbaalo caashaqa" oo uu ku luuqeeyo Cumar Shoolli. Wuxuu kaloo Cabdalla Nuraddiin qeyb libaax ka qaatay jilidda riwaayadaha.
