Ciidamada Ammaanka Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose ayaa irdaha u laabay xaruntii shirkadda Telefoonada iyo Korontada Oleympik
Buluugleey November 25, 2005
Ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ee gobolka j/hoose ayaa irdaha u laabay xaruntii shirkadda Telefoonada iyo Korontada Oleymbik sidoo kalena waxay ciidamadu xabsiga u taxaabeen 5 ka mid ah shaqaalihii shirkadda Oleymbik oo uu ku jiro maareeyaha shirkadaasi.
Arrintan ayaa ka dambeysay sida la sheegay kadib markii ay shirkaddu Korontadii ka goosatay xarunta Baranwaa oo saldhig u ah maamulka Isbaheysiga Dooxada Jubba iyo weliba guriga guddoomiyaha maamulka Dooxada Jubba ahna wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda Federaalka Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in 5-tii shaqaalaha aheyd laga sii daayay xabsiga Kismaayo sababo aan la shaacin, waxaase xiran xarunta Oleymbik oo shalay gelinkii dambe irdaha loo laabay waxaana warar la isla dhex marayo ay sheegayaan in shirkadda loo aaneynayo eedeymo badan oo ay ka mid yihiin qalabeynta ciidamo taabacsan maxkamadaha magaalada Muqdisho iyo kuwa maamulka Sh/hoose oo la sheegay inay qorsheynayaan dagaal ka dhan ah magaalada Kismaayo.
Source: Harardheere
