Wefdi ka socda Midowga Yurub ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro magaalada Muqdisho.
Buluugleey August 8, 2005
Wefdi ballaaran ee ka socda Midowga Yurub ayaa dhawaantan ku soo fool leh Magaalada Muqdisho. Wefdiga ayaa lagu wadaa inuu la kulmo xildhibaanada ku sugan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Axmed Diiriye oo u waramayey jaraai’dka ayaa sheegay in maanta shirka ka dhacay hotel Saxafi ay ka soo qeyb galeen xunaha laba gole ee dowlada KMG ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana shirka gudoominayey guddoomiyaha barlamaanka Sahriif Xasan. Xubnaha ka soo qeybgalay shirka waxay kaga wada hadleen sidii loo soo dhawen lahaa wefdigaas ballaaran ee ka socda Midowga Yurub.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in ujeedadada wefdigu tahay siddii ay ugu kuurgeli lahaayeen hawlaha nabadeynta ee xildhibaanada ka wadaan magaala madaxda Muqdisho. Kadibna waxuu wefdigu u sii gudbi doonaa magaalada Jowhar oo halkaasi ku suganyihiin xubnaha kale ee dawlada KMG.
Midowga Yurub ayaa horey ugu bixiyey dhaqaale aad u fara badan intii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo dhisay dowlada KMG ka socday dalka Kenya. Haatana waxaa la rajeynayaa in wefdigu dadal weyn ka geysto xallinta khilaafaadka u dhaxeeya labada garab ee dowlada KMG ah.
