Waris oo gudniinka hawenka ku timaantay jirdil gabdhaha yar yar loo geysto
Buluugleey May23/2005
Weris Xirsi oo ah gabar
Soomaaliyeed ee aad u qurxoon kuna can ah moodelka iyo dhigista filimada ayaa dhawaantan kula kulantay xafiiskeeda ku yaal Vienna weriye ka socda wargeyska Associated Press.
Weris waxay u guntatey inay ka badbaadiso gabdhaha loo geysta gudniinka fircooniga ah ee lagu dhantaalo xubnahooda taranka qeybo ka mid ah. Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) daraasad uu sameyay wuxuu ku qiyaasay inta u dhaxeyso 100 milyan ilaa 140 milyan oo gabdhood in gudniinka Fircooniga ah lagu gudo, waxaana sanad waliba halis u gasha ilaa 2 milliyan oo gabdhood.
Weris oo horey u qortay buug ay kaga hadleyso gudniinka loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed ayaa horay waxey daboolka uga qaaday caadadaas gabowday ee dhibka iyo waxyeelada xambaarsan. Weris Xirsi ayaa buugeedaan cusub 'Desert Children" si tiiraanyo leh uga hadashay dhibaatada ka soo gaartay jirkeeda iyo dareenkeeda.
Gudidda lagu sameeyo xubnaha taranka haweenka waa caado gabowdey oo mudo hore soo jirtay, ilaa waqtigaan la joogana waxaa laga isticmaalaa ugu yaraan 30 dal oo ay ka mid yihiin dalal Afrikaan ah iyo waddamada Bariga Dhexe.
Gudniinka oo sida badan haweenka jirkooda hoose lagu sameeyo ayaan lagu sameyn meelo aan nadiif ahayn, loona adegsado middiyo daxaleystay iyo iyadoo aan lagu isticmaalin dawada xanuuka bi'sa. Gudniinka ayaa keeni karaa dhibaatooyin khatar ah sida dhiigbax badan, cudurro fara badan oo ay ka mid yihiin cudurka dilaaga ah ee loo yaqaan HIV/AIDS iyo cudurrada dhalmada la xiriira sida madhaleysnimada iwm.
Weris oo buugga ay dhawaan qortay ku xuseysa in carrur badan oo Yurubta ku nool weli la gudo. Waxayna tiri," Carrurtaas waxaa loo soo dhoofiyaa waddama Yurubta meelo ka baxsan si loogu soo gudo.
Weris Xirsi oo UN-ka safiir u ah una qaabilsan xagga ladagaalanka gudniinka ayaa tri, “waxaan ka hadleyno ma aha ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ama cunta dhaqameed ay soo bandhigayaan qowmiyado, ee waxaynu ka hadleynaa waa jirdil loo geysanayo haweenka, waana dembi laga gelayo gabdhaha yar-yar".
Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida qaar ka mid ah ayaa weli ku dheggen ku dhaqmida caadadaas ka soo jeedda dhaqankii Fircooniga ah ee aan waafaqsaneen bini'aadnimimada kana fog ilbaxnimada. Waayahaan danbe waxaa soo badanaya hooyooyin badan oo u diidan in gabdhahooda lagu gudin gudniinka Fircooniga ah.
