12ak April: Sanadguurada Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Buluugleey, Muqdisho
Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliya (XDS) ayaa u diyaar garoobayo munaasabad lagu maamuusayo 12 ka Aprill oo ah maalintii la aas-aasay ciidamada Xogga Dalka Soomkaaliyeed. Waxaa dabaaldeggaas ka qeybqaadan doono ciidamadii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo beryahaan ku hawlan diyaargarowga munaasabadda lagu xasuusanayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa laga soo bilaabay 1959-kii oo la dajiyay sharcigii lagu dhisayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaasoo si rasmi ahaa loo dhaqan galiyay bishii April 12-keeda 1960-kii.
G/Sare Xaashi Xasan Foodcadde ayaa sheegay in ay maalinta 12ka April ay tahay maalin qiimo weyn u leh umadda Soomaaliya waxayna munaasabaddaas ay dhici doontaa maalinta Talaadada ah ee inagu soo foodleh.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo beryahaanba is habayn ku hawloonaa ayaa laga filayaa inay soo bandhigaan gaadda ka ciyaar lagu sharfayo qaranimada Soomaaliya.