Xisbiga Midaynta Qaranka Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay Muqdisho
Buluugleey July 17, 2005
Xisbi siyaasadeed ee la magac baxay Xisbiga Midaynta Qaranka Soomaaliyeed (National Congress Part) ee marka la soo gaabiyo ah (SNCP) ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Amiira.
Xisbigan oo gudoomiye looga dhigay C/shukri Cali Xirsi oo wadanka dibadiisa ku maqan ayaa halkaas waxaa khudabd xiisa leh ka akhriyey isagoo gudoomiyaha ka wakiil ah Prof. Ciise Maxamed Siyad. Prof. Ciise ayaa si weyn uga hadlay in xisbigu ku salaysanyahay hormarinta nabadda iyo dib u heshiisiinta umada Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Siyaasiga caanka ah lagu magacaabo Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo si faah-faahsan uga hadlay ujeedada loo aasaasay xisbiga Midaynta Qaranka Soomaaliyeed taas oo ka mid ah in uu u adeegidda danaha umadda Soomaaliyeed.
Iyadoo kooban ujoodooyinka xisbiga waxaa ka mid ah:
1. Ilaalinta iyo difaacidda Jiritaanka Qarannimada iyo
Madaxbanaanida Shacabka Soomaaliyeed.
2. Faafinta fikradaha Nabadda Cadaaladda Midnimada Sinnaanta iyo
hormarinta Bulshada Soomaaliyeed.
3. Xisbigu wuxuu dhiirro gelinayaa lahaanshaha gaar ahaaneed Suuqa
xorta ah (free Market) iyo maalgashiga shisheeye (foreign
investments).
4. Xisbigu wuxuu iskaashi la samaynayaa axzaabta siyaasadeed oo
ay isku aragtida yihiin.
5. xisbigu wuxuu adkaynayaa Nabad ku wada noolaanshaha iyo
xiriirka dalalka dariska nala ah.
6. Xisbigu wuxuu aqoonsanayahay dhammaan shuruucyada iyo
xeerarka Caalamiga ah ee la wada aqoonsanyahay.
7. Xisbugu wuxuu difaacayaa Xuquuqul Insaanka iyo Xoriyadda
Hadalka intaba
Xisbiga Midaynta Qaranka Soomaaliyeed ayaa dad badan saadaalinayaan inuu noqon karo mud dardar cusub geliyo nabadeynta iyo xasilloonida xilligan dalka looga baahanyahay. Xisbigan oo sida looga warbxixiyay u muuqda xisbi aan hubeysneyn ayaa noqon karana mid soo jiita siyaasiyiin badan oo ka badbaadiya khatarta shicibka Soomaaliyeed ku soo fool leh.
