Wasiirka Gashaan dhigga ee dowladda KMG ayaa u anbabixi doono Muqdisho
Buluugleey, May 2, 2005
Dhawaan waxaa uu ababixi doono magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah dowlada Federallka KMG ah waxaana ka mid ah wasiirka gashaan dhigga iyo sarakiil ka tirsan wasarada gashan dhigga. waxaa socdaalkaas ku wehli doona saraakiil ka tirsan cidamada IGAD kuwaas oo soo indha indhaynaya doona goobaha loogu talaglay inay dagaan cidamada nabad ilaalinta ee IGAD. Wararka aynu ka soo xiganay ilo ku dhww dowlada ayaa waxay sheegayaan in la filayo in ay u ababaxi doonaan malmahan fooda inagu soo haya.
Ambabaxaan ayay ka danbeeya markii hoteelka ay xubnaha dowladda KMG ay degenaayeen laga bixin waayay kirada iyo kharaska telefoonka.
Xubanaha dowladda intooda badan waxay noqdeen bishii ina soo dhaaftay waxayna si fir-fircooni ah uga hawlgaleen khorshaha nabadeenta ee gobolka Banaadir.
Nairobi Xasan Bile
