Ra’iisalwasaaraha dowladda FKMG oo sheegay in dowladdu dhawaan waddanka u guuri doonto
Buluugleey, May 21, 2005
Ra’iisalwasaaraha dowladda FKMG mudane Cali Maxamed Geedi ayaa qado sharaf ay goobjoog ka

ahaayeen xubnaha labada gole ee weli ku sugan dalka Kenya ku martiqaaday Hoteelka Safari Park oo ku yaal Magaalada Nairobi, Kenya.
Casumaaddaasi waxaa kaloo ka soo qaybgaleen wakiilka Dowladda Kenya u qaabilsanaa Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ahaana Guddoomiyihii Gudigii Fududaynta ee IGAD Bethuel A.Kiplagat iyo Safiirka dalka Kenya Amb.Maxamed Cabdi Afey iyo Wakiilo ka socday,UNka,Safaaradaha dalalka Ingiriiska,Denmark iyo Talyaaniga.
Mudane Geeddi ayaa shaaca ka qaaday dowlada uu hoggaaminayo u guuri doonto magaalooyinka Baydhabo, Jowhar iyo Muqdisho bishan aayn ku jirno dibayaaqadeeda.
Mudane Geedi isgoo hadakiisa sii wato wuxuu sheegay inaysan jirin haba yaraatee kala qaybsanaan dhextaal xubnaha labada Gole ee Dowladda balse ay jirto kala duwanaansho xagga fikirka ah. Inkastoo uu hadalka mudane Geedi ku saleysnaa un dibloomaasiyad oo uu uga jawaabayay hadalkii ay horey ugu soo jeediyeen waddamada deeqda bixiya in oo ahayd in dowladda FKMG sida ugu dhaqsiyaha badan dalka Soomaaliya ugu guurto. Balse mudane Geeddi wuxuu ka gaabsaday colaadda u dhexeyso Col. Cabdullahi Yusuf iyo Mudane Shariif Xasan oo aan la inkiri Karin in xisadaasi dhalin karto burbur ku yimaado dowladda FKMG.
